Muqdisho (Caasimada Online) – Hawada magaalooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya xalay waxaa laga arkay wax u eg xidigo aad iskugu dhow oo guuraya hawada, isla markaana xawaare dheereeya ku socda.
Magaalooyinka lagu arkay waxaa ka mid Muqdisho, Afgooye, Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo, Jigjiga, Diridhaba iyo kuwo kale oo dhaca galbeedka, koonfurta iyo bartamaha gobolada dalka.
Dadka ku nool magaalooyinkaas ayaa si isku mid ah u sheegay in waxaas oo u eg xidigo aadna iskugu dhaw ay ka yimaadeen jihada koonfureed una dhaafeen jihada waqooyi.
Arintaan ayaa xalay aad loogu falanqeynayey baraha ay bulshadu ku xariirto, iyadoo dadka ku kala nool magaalooyinka laga arkay ay isku si u sheegayeen qaabka waxii guurayay ee ay arkeen.
Inta badan dadka adeegsanaya baraha Bulshada ayaa ku tilmaamaya mucjiso Rabaani ah, iyagoo xusaya baryada Allaah.
Caasimada Online oo xiriir la sameysay dad ku nool magaalooyinka laga arkay arintaas waxay dhamaantood sheegeen inay arkeen isku xilli, waana intii u dhaxaysay 8:20pm daqiiqo ilaa 9:00pm habeenimo ee xalay.
Sir culus oo laga helay kulan dhex maray Fahad Yaasiin iyo Shiikh Shariif
Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]