Halis weyn oo dhaqaalaha Somalia uga soo wajahan Itoobiya: Soomaaliyey toos

Sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Itoobiya, madaxa mashruuca korontadhalinta Itoobiya Dr. Abraham Belay ayaa Khamiistii sheegay in mashruucii biyaxireenka Genale Dawa III oo soo bilaawday 2010 uu dhammaad yahay, uuna ku hawlgeli doono laba bil gudahood. Biyaxireenkaan oo laga sameeyey wabiga Jubba oo gudaha Itoobiya looga yaqaanno Genale Dawa ayaa wuxuu saameyn xun ku yeelan doonaa biyaha Jubba oo ah wabiga ugu biyaha badan Soomaaliya.

Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo ah isha koobaad ee biyaha Soomaaliya waxay ka soo burqadaan dhulka sare ee buuraleyda Itoobiya, taas oo micnaheedu tahay in dhanka biyaha ay Soomaaliya ku tiirsan tahay Itoobiya. Jubba iyo Shabeelle waxay waraabiyaan beeraha oo ah isha koobaad ee dhaqaalaha Soomaaliya. Warbixin ay 2018 daabaceen Bangiga Aduunka iyo hay’adda FAO ee cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay waxay ku sheegeen in dhaqaalaha Soomaaliya uu 64% ka ku tiirsan yahay waxsoosaarka beeraha dalka.

Itoobiya oo qaadatay siyaasad isku-filnaansho oo dhanka cuntada iyo korontada ah waxay xoogga saareysaa maareynta iyo isticmaalka biyaha dalkeeda, taas oo saameyn ku yeelan doonto biyaha webiyada ay la wadaagto dalalka deriska ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Soomaaliya waxay maanta beylah u tahay tallaabooyinka horumarineed ee Itoobiya ka fulineyso wabiyada, maadaama ay Soomaaliya ku taallo dhinaca hoose, Itoobiyana ay dhacdo dhanka kore ee webiyada, mana jiro heshiis dhanka biyaha ah oo ka dhexeeya labada dal.

Sharciga caalamiga ah ee isticmaalka biyaha wabiyada ee 1966-dii lagu qoray magaalada Helsinki wuxuu Soomaaliya xaq u siinayaa in ay talo ku yeelato tallaaboobinka horumarineed ee itoobiya ka fulineyso wabiyada ay la wadaagto Soomaaliya.

Sida ay todobaadkaan daabaceen saxaafadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa magaalada Muqdisho ku soo wajahan wasiirro ka socda dowladda Itoobiya oo u imanaya hirgelinta heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed bishii Juun ee 2018. Qodobkii todobaad ee heshiiskaas wuxuu ahaa in ay Itoobiya maalgashato 4 dekadood oo ay Soomaaliya leedahay iyo dhismaha laami isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya.

Haddaba, dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in ay fursaddaan ay uga faa’iideysato in ay Itoobiya kala hadasho tallaabooyinka ay ku qaadeyso biyaha wabiyada oo ah khatarka dhanka biyaha ah oo ku soo wahahan Soomaaliya, ayna kala gasho heshiis masiiri ah, si loo badbaadiyo dhaqaalaha dalka, iyo dadka ay noloshoodu ku tiirsan tahay cunnada iyo biyaha ay ka helaan labadaan wabi.

Professor Dr. Stephen Scanlan oo ah cilmibaare ka tirsan jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka wuxuu dunida uga digayaa dagaalka saddexaad ee adduunka oo uu sheegay in la isku dagaali doono cunnada iyo biyaha wixii ka dambeeya 2030, wuxuuna ku talinayaa in ay dowladuhu qorshe fig ka yeeshaan arinkan iyo in dalalka biyawadaagga ah ay heshiis ka gaaraan biyaha ay wadaagaan.

Itoobiya iyo Masar oo aan xuduud laheyn waxaa hadda ka dhex taagan xiisad ka dhalatay biyaxireen ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Niil oo ay Masar diiddan tahay, maadaama uu biyaxireenkaasi cuuryaamin doono biyaha wabiva Niil oo ay Masar ku tiirsan tahay. Haddii aysan Soomaaliya maanta Itoobiya kala heshiin arinkan waxay dhaawici doontaa dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sabab u noqan kartaa dagaal cunnada iyo biyaha ah oo mustaqbalka dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay wabiyadu yihiin isha koobaad ee cunnada iyo biyaha Soomaaliya. Soomaaliyeey toos.

Sir culus oo laga helay kulan dhex maray Fahad Yaasiin iyo Shiikh Shariif

Waxaa qoray: Hussein Sabrie
Email: Husseinsabrie@gmail.com