Horudhac
Maalmahan, waxaa si weyn loo hadal hayaa qorshaha lagu daahfurayo Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (Justice and Unity Party – JSP), iyadoo la filayo in Maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug ay xubno ka noqdaan Golaha Xisbiga. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan sida; in Soomaaliya si rasmi ah ugu guurtay nidaamka axsaabta badan iyo sida ay sharciyaddu u oggolaanayso ka-qaybgalka Maamul-goboleedyada ee xisbiyada siyaasadeed.
Saameynta ka dhalan karta ka-qaybgalka maamul-goboleedyada ee xisbiga
1. Ujeeddooyin siyaasadeed
Waxaa la rumeysan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu diyaarsado saaxiibo cusub oo siyaasadeed si uu u xoojiyo fursadiisa dib-u-doorasho ee mar saddexaad. Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha ayaa horey uga mid ahaayeen siyaasiyiin caan ah sida Cabdi Kariim Guuleed, Faarax Cabdulqaadir, Xamse Cabdi Barre, iyo Doodishe. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in qaar ka mid ah siyaasiyiintaas, oo da’doodu ka yar tahay tan Madaxweynaha, ay filayeen inay helaan fursad uu xisbigu u diyaariyo xilka madaxweynenimo. Tani waxay muujinaysaa farriin ah “Aniga kaliya ayaa ku habboon hoggaanka,” taasoo ka tarjumeysa in xisbiga uu noqonayo mid uu Madaxweynuhu u adeegsado danihiisa siyaasadeed.
2. Musuq-maasuq iyo isticmaalka hantida dadweynaha
Marka madaxda dowladda federaalka iyo Maamul-goboleedyada ay ku midoobaan xisbi siyaasadeed, waxaa jirta cabsi ah in la adeegsado hantida dadweynaha si loo taageero xisbigaas. Tani waxay horseedi kartaa musuq-maasuq cusub, iyadoo la isticmaalayo hantida qaranka si loo gaaro ujeeddooyin gaar ah oo siyaasadeed.
3. Burburka awood-qaybsiga qabiilka
Soomaaliya waxay muddo dheer ku tiirsaneyd nidaamka awood-qaybsiga beelaha (4.5) si loo helo xasillooni siyaasadeed. Haddii Maamul-goboleedyada ay si buuxda ugu biiraan xisbi gaar ah, waxaa laga yaabaa in nidaamkaas uu burburo, taasoo keeni karta in beelaha qaar ay dareemaan in la takooray ama aan la siin xuquuqdooda siyaasadeed.
4. Hoos-u-dhaca dadaallada lagula dagaallamayo agagixisada
Marka la eego in madaxda Maamul-goboleedyada ay ku mashquulaan arrimaha xisbiga, waxaa laga yaabaa in ay yaraan doonto dadaalka lagula dagaallamo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab. Tani waxay halis gelin kartaa amniga qaranka iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.
5. Kalsoonida dadweynaha oo hoos-u-dhacda
Haddii dadweynuhu ay dareemaan in madaxda dowladda iyo Maamul-goboleedyada ay ku milmeen xisbi gaar ah, waxay lumin karaan kalsoonidii ay ku qabeen hay’adaha dowladda. Qofkii aan ka tirsaneyn xisbigaas wuxuu dareemi karaa in uusan helin fursado siyaasadeed ama horumar shaqo, taasoo keeni karta niyad-jab iyo kala fogaansho bulsho.
Gunaanad
Ka-qaybgalka Maamul-goboleedyada ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka wuxuu leeyahay saameyn ballaaran oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga dalka. Si looga fogaado dhibaatooyinka ka dhalan kara, waxaa muhiim ah in la helo wadatashi qaran oo ku saabsan doorka xisbiyada siyaasadeed iyo sida Maamul-goboleedyada ay uga qaybqaadan karaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in la ilaaliyo kala sooca awoodaha dowladda iyo xisbiyada siyaasadeed si loo hubiyo in kheyraadka dadweynaha aan loo adeegsan ujeeddooyin gaar ah, loona ilaaliyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyntii, si loo gaaro horumar waara, waa in la dhisaa nidaam siyaasadeed oo hufan, daahfuran, kuna saleysan cadaalad iyo sinnaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Suleman Abdi Gashan
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.