Muqdisho (Caasimada Online) – Xujeeydii ugu horreysay ee sanadkan ka xajineysa Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga ambabaxday magaalada Muqdisho, iyaga oo ku wajahan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya si ay uga mid noqdaan malaayiinta Muslimiinta ah ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka.
Xujeydan oo tiradoodu tahay 431 ruux ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo munaasabad sagootin ah loogu sameeyay kahor inta aysan bilaabin safarkooda.
Waxaa halkaas kusii sagootiyay madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo muujiyay muhiimadda ay Xajku u leedahay qofka Muslimka ah.
Munaasabadda sagootinta Xujeyda waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux.
Masuuliyiinta ayaa halkaasi ka jeediyay khudbado kooban oo dardaaran iyo talooyin iskugu jira, iyaga oo xusuusiyay Xujeyda muhiimadda ay leedahay gudashada acmaasha Xajka si waafaqsan shareecada Islaamka iyo nidaamka u degsan dowladda Sacuudi Carabiya ee martigelineysa xujeyda caalamka.
Wasiirka Roobow ayaa si gaar ah Xujeyda ugu booriyay in ay muujiyaan edeb, sabir iyo wadajir inta ay ku guda jiraan safarkooda barakeysan, isaga oo Alle uga baryay inuu ka aqbalo cibaadada ay u baxay yihiin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad walba si gaar ah u daryeesha safarka Xujeyda, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda weyn ee uu leeyahay Xajku oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka. Sanadkan, dadaal dheeri ah ayaa la geliyay sidii Xujeydu ay ugu safri lahaayeen si nabad ah, hufan oo habsami leh.