Waxa la gaaray waqtigii aan sheegi lahaa musharaxa aan codkeyga siinayo

Waxaa kugu waajib ah inaad sheektid Qofka ku haboon in wadanka uu madaxweyne ka noqdo Afarta sano ee soo socota.

Madaxwaynaha soo bixi doona waxa uu noqon doonaa Madaxweyne Dib uheshiisiin iyo Dib u dhis ciidan Qaran oo Soomaaliya leedahay.

Waxaa la Gaaray waqtigii aan sheegi lahaa mudanaha aa cod keyga siin lahaa, hadii aan xildhibaan ahaan lahaa, waana musharaxa madaxweynaha Dawlada Dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane shariif Sheekh Axmed.

Waxaan ku doortey Sadex Qodob oo ku yaal CV-giisa Musharxanimo, Anigaa Akhriyey oo Qoray Figrada aan ku doortey CV-giisa.

Qodobka 1-aad:

Waa madaxweyne hore oo wax baden ka khaldameen hadii dib loo doortana waqti u heli kara inuu saxo ama waa madaxweyne hore oo wax uu ku wanaag sanaa oo hada Maqan soo celin kara, Arinkan waa musharaxa kaliya ee isaga u gaar tahay.

Qodobka 2-aad:

Waa musharax kaliya ee la soo shaqeeyey inta Badan Madaxda Hogaamisa Dawlad Gobaleed yada ugu waa weyn sida K/Gabeed, J/land P/land. Hirshabeele ee dhamaan katirsan Dawlada Faderaalka, wuxuuna xiriir fiican la leeyahay Qabaa ‘iilada degan deegaanada.

Waa musharaxa kaliya ee xiriir dhaw la leh kooxa islaamiyiinta Gaar ahaan Ahlusuna Waljameeca oo ah koox adag oo Taariikh dheer ku leh hogaanka soomaaliya ilaa iyo xoriyadii kadib .

Qodobka 3-aad:

Waa musharaxa kaliya ee hogaankiisa siyaasadeed ee uu ku soo caan baxay ka bilaabay sidii Muqdisho looga xoreen lahaa kooxdii dhiig shacabka isku diri jirtey, isagoo adeeg san jiray siyaasada ku dhisan Khadka Cagaaran ee dhexyiilay shacabka magaalada Muqdisho .

Kooxdan oo lamagac baxdey hogaamiye kooxeedyada inay maanta Dakada muqdisho iyo Geroonka diyaaradaha muqdisho shaqeeyaan isaga ayaa Naftiisa u horay mana ah wax la qarinkaro.

Waana meeshii ay ka bilaamayey Rajada caasimada Muqdisho oo xabsi ku jirtay 1991- 2006.”

Aniga oo ah Maxamed Caalim sidaa ayaa ugu Doortey in uu Sheekh Shariif Ssheekh Axmed uu ku haboon yahay in markale la doorto

FG: Tani waa fekerkeyga

W/Q:  Mahamed Caalim
Caalim68@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com