27.9 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Xildhibaan “Waxaan ogaa anigoo qolka ku jira kadibna waxaan is arkay aniga oo la i bursanayo”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdillahi Xaji Dayib oo kamid ahaa mas’uuliyiintii laga soo badbaadiyay weerarkii lagu qabsaday Hoteel Ambassador ayaa ka warbixiyay qaabka uu u dhacay weerarka argagixiso.

Xildhibaan Cabdillahi Xaji Dayib, waxa uu sheegay in Qaraxyada ay ahaayen laba Qarax oo is xigay midka koowaad uu ka dhacay afafka hore ee Hoteelka, halka kan labaadna uu ahaa mid loo maleegay dadkii isku soo xoomay.

Xildhibaan Cabdillahi Xaji Dayib, waxa uu sheegay in xiliga uu dhacaayay Qaraxa uu ahaa mid jiifay qolkiisa, balse uu kusoo kacay ololka iyo uurada ka dhashay Qaraxa koowaad oo ku aadanaa dariishadiisa.

Xildhibaan Cabdillahi Xaji Dayib, waxa uu sheegay in goortii uu kasoo nabdaaday sariirta uu arkay Albaab ”Haadaaya iyo isaga oo ordaaya”.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in jahwareer uu ka qaaday Qaraxyada iyo rasaasta islamarkaana ogaal uu ugu danbeeyay isaga oo kamid ah dadka cararaaya balse aan garaneynin halka ay u cararayaan.

Waxa uu intaa ku daray Xildhibaan Cabdillahi Xaji Dayib in maleeshiyada goortii ay gudaha u galeen Hoteelka ay si toos ah u abaaren qololka ay degan yihiin mas’uuliyiinta Dowlada ka tirsan.

Waxa uu sheegay in Hoteelka uu ahaa mid ay degnaayen mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan Dowlada.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdillahi Xaji Dayib waxa uu cadeeyay in gudaha Hoteelka uu ahaa mid ay buux dhaafiyeen Meydad iyo Dhaawacyo farabadan oo u badnaa kuwo ka tirsanaa Dowlada.

Xildhibaan Cabdillahi Xaji Dayib waxa uu ka gaabsaday inuu carabaabo tirada mas’uuliyiinta Dowlada ee kamidka ah kuwa la dilay markii laga reebo labada Xildhibaan.

Geesta kale, weerarkaani lagu qaaday Hoteel Ambassadoor ayaa noqonaaya kii ugu khasaaraha badnaa oo lagu qaado Hoteel ku yaala magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News