Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyadoo wali magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug laga dareemayo xaalad amni darro iyo colaad baahday ayaa waxaa haddana soo baxaaya dhaliilo ay jeedinayaan Odayaasha kasoo jeeda Gaalkacyo.
Maxamuud Saleyman Cali oo kamid ah Odayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in maalmihii qaraarnaa ee la soo dhaafay ay sabab u noqotay in dagaalka ay ku kala lumaan isaga iyo qoyskiisa.
Maxamuud waxa uu tilmaamay in maamulada uu dagaalka u dhexeeyo aysan u diir naxeynin dadka shacabka ah, waxa uuna farta ku goday in dagaalka uu yahay mashruuc isla markaana uusan dhaqan gali doonin Heshiiska cusub.
Oday dhaqmeedkani waxa uu intaa ku daray in ciidamada labada maamul ay si ula kac ah u tooganayeen dadka shacabka ah.
Isagoo arrinkaani ka hadlaayaya ayuu yiri ”Waxaan cadeyneynaa in Galmudug iyo Puntland ay ka dul macaashayan meydadka Carruurteena”
Dhiiga daadanaaya ayuu sheegay inuusan aheyn kan Carruurta C/wali Gaas iyo C/kariin Guuleed, waxa uuna carab dhabay in dhiiga Carruurtooda uu noqday mid laga macaashaayo.
Haddalka Maxamuud Saleyman Cali oo kamid ah Odayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo, ayaa imaanaya iyadoo labada maamul ay isla fahmeen hanaanka loo maraayo xalinta colaadooda.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

