“Waxaan ka cabsi qabaa in baarlamanka 11-ad ee dalka uu argagixiso noqdo” + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee waqtigu ka dhamaaday oo dhawaan laga reebay tartankii kurisigiisa oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa ka deyriyey hanaanka ay u socoto doorashada Soomaaliya iyo waxa laga dhaxli karo.

Waxa uu sheegay in dalku uu khatar ugu jiro inay u soo baxaan xildhibaano Al-Shabaab ah, “Waxaan ka cabsanaa in baarlamaanka 11-aad uu noqdo argagixiso, waxaan la yaabay ayaa dalka ka socda,” ayuu yiri.

Idiris Dhaqtar ayaa sheegay in xukuumadii loo xil saaray doorashada ay howlo kale ku mashquulsan tahay, waxuu sheegay in rag taageersanaa nidaamka Farmaajo oo isaga ku jees-jeesay markii laga reebay tartanka ay hadda K/Galbeed ka soo laabteen iyadoo loo soo diiday kuraastii.

“Ragga kuraasta loo soo diiday waxay igu eedeynayeen inaan ahay mucaarad, waxay igu yiraahdeen ’20 sano ayaan kuriga ku fadhinay, nin kasta oo xukunka yimaadana muxaafid ayaan u aheyn’ Farmaajo ayey soo saarteen Facebook-yadooda, hadana waxaa laga reebay tartankii, wadankaan waxuu u socdaa meel qaab daran,” ayuu yiri.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa walaac ka muujiyey qorshaha cusub ee Daacish ay baada uga qaadaneyso ganacsatada Suuqa Bakaaraha, taas oo dowladdu aysan waxaba ka qaban karin, sida uu sheegay.

“Waxaa igu maqaalaa in deegaan ka tirsan Muqdisho ay Shabaab dacwadaha dadka ku qaadaan oo loogu tago xafiisyo ay ku leeyihiin, dowladdii sheeganeysay inay xukunto magaaladaan kama warqabto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Idiris Dhaqtar.

Abaaraha dalka ka jira iyo lacagaha tirada badan ee la isku dooranayo ayuu sheegay in xukuumadda Rooble ay iska indhatireyso, isagoo ku dhaliilay safaradda badan ee dibadda ah.

“Qaladaadka dhacaya masuuliyadooda Rooble ayaa iska leh oo mar Kenya aadaaya, mar Qatar, marna Imaaraadka, kamaba war-qabo waxa dalka ka socda, anigu hadda xukuumadda Rooble 11-kun oo lacag ah ayaan ka rabaa, qasnada ayaan ugu shubay inaan kurisiga beesheyda u tartamana waa la iga hor istaagay,” ayuu yiri Xildhibaan hore Idiris Dhaqtar.

Waxuu intaas ku sii daray, “Lacagta waxaan ku soo shubay Bankiga dowladda, mas’uuliyadda doorashadana waxay saaran tahay Rooble, kama hari doono lacagteydii maxkamad ayaan la koraa, hadii maanta ay awood leeyihiin, maalin aysan awood laheyn ayaan ka qaadanaa lacagteydii.”

Hoos ka daawo