“Waxay faan bideen dowlad hebel baa i wadata”!

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Sakariye Xaaji Cabadi oo kamid ah Siyaasiyiinta inta badan falanqeysa arrimaha Somalia, ayaa dhaliil adag u jeediyay Siyaasiyiinka iminka jirta.

Sakariye ayaa sheegay in inta badan Siyaasiyiintu yihiin kuwo ku liita wadaniyada, waxa uuna tilmaamay inay ku fashilmeen siyaasadda dalka.

Wuxuu sheegay inay adeecsan yihiin in horumarka Somalia ay ku jirto gacanta Beesha Caalamka, hayeeshee taasi ay ka fog tahay xaqiiqda jirta, hadii Siyaasadooduna ay sidaa tahay aysan laheyn door ay ku badbaadinkaraan Somalia.

“Doorka siyaasadda waxa ay noqotay dad is dhiibay oo aan isku kalsooneeyn, hadane leh aniga waxaa i wata carab, Maraykan, Itoobiya ama wax la mid ah”

”Waxaan orankaraa Siyaasiga ceynkaasi ah waa mid u baahan in waxbadan laga baro wadaniyada iyo waxa ay tahay dadnimada anigu kaasi Siyaasi uma aqaan”

Siyaasiga ayaa carab dhaway in dalka Somalia kaliya uu hagaagi karo hadii la helo siyaasi Soomaaliyeed oo ku kalsoon dadkiisa, hadii taasi lawaayana ay Somalia taagnaan doonto halka ay iminka taagan tahay.

Sakariye ayaa siyaasiyiinta dhigiisa uga digay inay shaqo ka dhigtaan in Somalia ay hoos geeyan Ajaanib xili dalka Somalia uu yahay mid hodan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com