Madaxweyne, BF SOOMAALIYA HUB ma haysto, hubkii gacantaaduu ku jiraa (Xog iyo Gorfeyn).!!!

Madaxweyne Xasan Shiikh, mooshinkii 130 ka xildhibaan ka gudbiyeen wuxuu ku sheegay mooshin dhowr qof oo qaswadayaal ahi ka dembeeyaan. Madaxweynaha waa lagu ogaa inaanu kala aqoon Dastuurka dalka iyo waraaqaha xayeysiiska ah ee derbiyada lagu dhejiyo, laakiin waxaan la ogeyn inuu illaa heerkaas ka joogo dowladnimo oo dhan.

Madaxweynaha waxa loo haystaa, dad sharci daro lagu khaarajiyey, dastuur la jabiyey, awood la maroorsaday, musuqmaasuq iyo hanti boob, kooxeysi iyo ku xad gudub xuquuq baniaadam, inuu kas u dib riday doorashadii 2016, inuu  ku fashilmay amnigii dalka, Faragelin hayadaha dastuuriga ah.  Qodobadaas iyo kuwo kale ayaa lagu eedeeyey Madaxweynaha.

Hadaba muxuu kaga  jawaabay madaxweynuhu eedeymahaas.

-Koox yar oo qaswadayaal ahi ma joojin karaa horumarka dalku higsanaayo.
– Federaaleyntii waa socotaa.
-Maamul goboleedyadii waa dhameystiraynaa.
-Guddiyadii howshoodii waa socotaa.
-Dastuurkii qabyo tirkiisii waa la wadaa
-Hayįdaha dastuuriga ah ee qaranka wada shaqeyntoodu waa sugantahay.

Suįashu waxay tahay yuu la hadlaayey Madaxweynuhu? Ma Soomaalida? Jawaabtu waa maya, wuxuu la hadlaayey shisheeyaha ku howlan kala qeybinta iyo kala qoqobka ummada soomaaliyeed, hadalkiisuna waa ka talowsanaa soomaalida.

Dhinaca kale, madaweynuhu wuxuu ugu baaqay bulshada reer muqdisho inay ilaashadaan horumarkooda oo macnaheeda loo qaatay inuu u habarwacday dadka reer muqdisho,  taasoo loo qaadan karo dhiiri gelin in masuuliyiinta baarlamaanka la wax yeeleeyo.  Hore waxa u dhacday oo aan qarsooneyn in la laayey masuuliyiin baarlamaan,  gacan ku dhiiglayaashiina ay galeen xarunta madaxtooyada welina ay dhex fadhiyaan.  Maantana in baarlamaanka loo laayo eedaha ay ku soo oogeen madaxweynaha la biciidsanmaayo.
 
Hadaba maxaa la gudboon baarlamaanka soomaaliyeed:-
 
Haddii aad tihiin baarlamaankii soomaaliyeed, waad aragtaan.-

1-  Xasan Shiikh,  wuxuu  idinka sheegtay magaalo madaxdii qranka.
2-  sharci oo dhan inuu banaanka  iska dhigey.
3- Inaanu ictiraafsanayn awooda baarlamaanka ee la xisaabtanka iyo kalsooni siinta ku dhisan iyo dhamaan shuruucda dalka, taasoo macnaheedu noqonayo in madaxweynuhu dalka ku haysto xoog.
Intaas iyo ina kale oo lagu daray markaad eegtaan,  waxa muuqata in naftiina iyo sharaftiinuba khatar ku jiraan. Sidaas darteed, waxaan soo jeedinayaa:-

1- Inaad naftiina u taxadartaan, waayo waxaad tihiin yididiilada kaliya ee maanta umadda soomaaliyeed haysato.

2- Haddii dadka reer Muqdisho ee Xasan u habarwacday ay dhaq-dhaqaaq sameeyaan inaad ka fakartaan meeshii kale ee aamin ah ee aad ku shaqeyn lahaydeen, waxaanan soo jeedinayaa inaad xiriir la sii sameysaan Maamul Gboleedyada amaanku ka jiro ee dhexdhexaadka ah, sida Puntland iyo Galmudug (Ahlu sunna -Dhuusamareeb).

3- In Inta laga helaayo madaxweyne aqoonsada goįanada Baarlamaanka, inaad joojisaan wax kasta oo shaqo ah oo baarlamaanka khuseeya, sababtoo ah Xasan Shiikh iyo xukuumadiisu toos ayey u  diideen fulintii goįanada baarlamaanka.

4-Inaad joojisaan wax kasta oo shaqo ah oo idinkala dhexeeya Xukuumada Xasan Shiikh ilaa qodob-qodob loo fuliyo wixii shuruuc aad hore u soo saarteen ee Xasan Shiikh iyo kooxdiisu qashin qubka ku rideen.

Waxaan rajaynayaa inaad digniinteydan aad ugu dhug yeelandoontaan. Mahadsanidin

W/Q: Xuseen Caroog (Xuseen Gurey)
aroog6@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid