Doorashada JUBBALAND oo maanta dhaceysa!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorasho ay ku tartamayaan ilaa Afar Musharax oo mid waliba uu doonaayo inuu ku guuleysto madaxtinimada Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanada jiritaankooda la beeniyay ee Maamulka Jubbaland ayaa dooran doono Madaxweynaha Maamulka, xili inta badan dadka ay hadal hayaan in guushu ay raaci doonto Hogaamiye Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo si weyn looga dareemay martigelinta tartanka Madaxtinimada Jubbaland, iyadoo dhanka kalana la adkeeyay ammaanka Magaalada, waxaana saakay hakat ku jira isu socodka BL-ka iyo dadka cagahooda maali jiray.

Musharaxiinta ayaa Codka ka heli doona 77 Xildhibaano oo Baarlamaanka Jubbaland uu ka kooban yahay, waxaana Madaxtinimada Maamulka la filayaa inuu ku guuleysan doono shaqsiga ugu codka badan, inkastoo seddex kamid ah Musharaxiintaasi ay yihiin kuwo uu Axmed Madoobe la imaaday islamarkaana lagu indha sarcaadinaayo dadka deegaanka.

Musharaxiinta la filaayo inay tartamaan ayaa waxaa lagu kala magacaaba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Cismaan Xaaji Fayruus, Hilowle Aadan Maxamed iyo Maxamed Cismaan Yuusuf.

Doorashada ayaa waxaan ka qeybgali doonin DF Somalia, markii laga reebo ilaa Seddex Mas’uul oo iyagu Kismaayo u gaaray qaab hoos iska taabad ah.

Geesta kale, DF Somalia iyo Beesha Caalamka, ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin arragtidoodu ku aadan doorashada maanta ka dhacaysa Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com