BF oo digniin kasoo saaray doorashada JUBBA!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray digniin ay u direen mas’uuliyiinta dowladda iyo xukuumadda ee la sheegay inay doonayaan ka qeybgalka doorashada madaxweynaha Jubba oo lagu wado inay maanta ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in Baarlamaanka Federaalka uu horay u laallay sharci ahaanshiyada Baarlamaanka Jubb, sidaa darteedna aanay doorashadooda sharci aheyn, mar haddii Baarlamaanka wada uu sharci darro yahay wax kasta oo ka soo baxaya aanay dowladda Federaalka aqoonsan karin lana macaamili karin.

Xildhibaanada digniinta soo saaray waxaa kamida:

1 – Xildhibaan Dahir Amin Jeesow
2 – Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Dahir
3 – Xildhibaan Maxamud Cali Magan

Xildhibaanadu waxay ka digeen ciddii ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda ee qey gasha doorashada Kismaayo ka dhaceysa in lala xisaabtami doono. Waxay kaloo uga digeen beesha caalamka faragalinta ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya, waxayna sidoo kale AMISOM ku eedeeyeen in u shaqeeyaan qaab ka baxsan sharciga ay dalka ku joogaan.

Hoos ka aqriso bayaan kasoo baxay xildhibaanada

01 (1)02