XOG: Baarlamaanka oo markan ku dhagan CCC!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo kan Dastuurka ayaa waxaa lagu wargaliyay in ay iska soo xaadiriyaan Xarunta Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo Arrimo badan.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Warqad wargalin ah loo diray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Ujeedka wax laga weydiinayo ayey ku sheegen in ay tahay Su’aalo ku saabsan Diidmadii Baarlamanka Soomaaliya ay diideen Golaha Wakiilada Jubbaland waxa ay Xukumaddu u dhaqan galin la dahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mudooyinkii danbe bilaabay Is qabqabsi  iyo Mooshino ay ka keeneen Madaxda Soomaaliya,

6-dii Bishii June ee sanadkaan ayey Xildhibanaada Soomaaliya diideen Sharci ahaansha Baarlamanka Jubbaland, iyadoo Maamulka Jubbalanda uu Diiday Arrintaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com