“XASAN sabab uu ku doodo ma heysto, waxaa yaal caddeymo lagu musuq-maasuqay qaranka”

Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Mudanayaasha Madaxweyne Xassan ka gudbiyay Mooshinka kalsooni kala noqoshada ayaa sheegay in BF Somalia uusan caqabad ku aheyn Madaxweynaha balse ay doonayaan in dalka laga hirgaliyo isbedel.

Xoosh ayaa tilmaamay in ujeedka ugu weyn uu yahay in la helo Madaxweyne cusub oo la imaankara isbedelo ka bedelan kan iminka uu sameeyay Xassan Sheekh waxa uuna sheegay in Xassan isaguba uu ogyahay sababta looga keenay Mooshinka.

Waxa uu Xildhibaan Xoosh cadeeyay inay gacanta ku hayaan Dukumiintiyo muujinaayo dhibaatada uu Xassan Sheekh ku hayo dalka waxa uuna yiri ‘’Mooshinku maaha mid leysaga maagay Madaxweynaha ee waxaan heynaa Cadeymo badan oo Documenti leh ha noqoto dhanka Dastuurka ama hanoqoto xuquuqda aas-aasiga ee Bini’aadamka qofka Somaliyeed uu leeyahay ama inuu ku dhaqaaqay musuq maasuq aan loo ganban iyo inuu faragelin ku sameeyay Hay’adihii aas-aasiga ahaa ee Dastuuriga’’

Sidoo kale, Xoosh waxa uu farta ku goday in Madaxweyne Xassan uu isaga sabab u noqonaayo in xilka laga qaado kadib markii uu sheegay in DF uu u bedelay gaari dhinac u raran oo sabab u noqotay in Hantida Qaranka lagu tagrifalo.

Xildhibaan Xoosh waxa kale uu sheegay in Mooshinkaan uu soo socday muddo lix bilood ah, balse Xildhibaanada ay ka mashquuleen.

‘’Xassan Sheekh ehel uma ah dhisida dalka waayo waxa uu ku kacay hadii ay Bulshadu ogaan laheyd mar hore ayuu xilkiisa weyn lahaa balse BF ayaa kala qarin jiray Xassan iyo Bulshada ilaa markii danbe uu naga idlaaday sabarka’’

Dhanka kale, Xubnaha kale ee aan saxiixin Mooshinka ayuu ugu baaqay inay u naxaan dalkooda oo ay kusoo biiraan Mooshinka, si loo hanto Dowlad tan iminka ka duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com