“Haddii aan ka dhii-dhinNay musuq-maasuqa uu wada XASAN SH., ma qas wadayaal ayaa nahay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweyne Xassan Sheekh uu si adag jawaab uga bixiyay Mooshinka ay Xildhibaanada BF Somalia ka gudbiyeen ayaa waxaa Jawaabtiisa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan BF.

Cabdi Barre Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha, ayaa sheegay inay kalsooni buuxdo ku qabaan mirro dhalka Mooshinkooda.

Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu laba jibaaray xad gudubyada uu ku hayo Qaranka, balse BF ay muddo sabar u muujiyeen iminkase ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Barre waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in lagu tilmaamo qas wadayaal iyagoo ka dhiidhiyay wax qabad xumada Madaxweynaha wax uu ku sheegay iyo ku xad gudubka Dastuurka sida uu hadalkau dhigay.

Nuqul kamid ah hadalka Xildhibaan Barre ayaa waxaa kamid ahaa“ Adeer anagu Shacabka Soomaaliyeed ayaan afhayeen u nahay , wax allaala wixii qaranka Soomaaliyeed dib u dhac ku keenaya waan laaleynaa hamoodin in taasi leysaga aamusi doono”

Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Somalia uu shalay qabtay shir jaraa’id oo uu ku muujinaayay ku lug lahaanshiyaha Musuq-maasuqa lagu eedeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com