Xildhibaan Xiddig oo Kismaayo ka sheegay sir ay DFS ka qarineyso xildhibaannada iyo shacabka

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha C/rashiid Maxamed Xiddig oo magaalada Kismaayo gaaray maanta goobjoogna ka ahaa khudbadihii musharaxiinta u sharxan jagada madaxweynaha Jubba ayaa sheegay inuu xukuumadda Soomaaliya wakiil uga yahay doorashada isla markaana isaga iyo xildhibaano badan ay yimaadeen Kismaayo, kuwo kalena ay imaan doonaan maanta oo doorashadu dhici doonto.

“Waxaan ahay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, wasaaradaasina waxay u xil saaran tahay arrimaha dhismaha dowlad goboleedyada iyo arrimaha federaalka oo dhan sidaas ayaan ku soconaa kagana qeyb geli doonnaa doorashada” ayuu yiri C/rashiid Xiddig oo intaas ku daray in marka doorashadu dhacdo ay soo saari doonaan warka uga haboon.

C/rashiid Xiddig oo ka mida taageerayaasha waaweyn ee Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ku dooday in dowladda federaalka ay leedahay hay’ado kala duwan sida fulinta iyo Baarlamaanka, isaguna uu yahay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha oo ujeedkiisu yahay inay goobjoog  iyo marqaati ka noqdaan doorashada Jubbaland kadib soo saari doonaan war ku saabsan sida doorashadu u dhacday.

Isagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayuu sheegay in hadallada kasoo yeeray qaar ka mida xildhibaanada Soomaaliya ay leedahay qaab looga wadahadlo.

Isha goobjooge