Xog: Axmed Madobe oo shirqoolay Fartaag iyo…

Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo maaanta la filayo in doorasho madaxweyne ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ayaa waxaa xilalkooda weynaya Fartaag ama Lugadheere midkood, maadaama Axmed Madoobe uu horay uga shaqeeyay in dastuurka maamulkaasi lagu qoro in maaamulka Jubbaland uu yeelanayo hal madaxweyne.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowaan  yeeshay Dastuur rasmi ah kaasoo ay ku dhaqmi doonaan madaxda iyo shacabka Jubbaland.

1st Aguast 2015 waxaa si rasmi ah loo ansixiyay Dastuurka KMG ah ee Jubbaland.

Cutubka 4aad qodobkiisa 30-aad Farqadiisa 3-aad ayaa dhigaya in Maamulka Jubbaland wixii hadda ka dambeeya uu yeelanayo hal Madaxweyne ku xigeynka.

Doorashada beri kadib  hadal heynta shacabka Jubbaland dal iyo dibad waxaa ay tahay Fartaag iyo Lugadheere keebaa khadka ka bixi doona?

Inkastoo Axmed Madoobe uu taageero badan ka heysto dhanka Xildhiaanada Baarlamaanka Jubbaland islamarkaasna doorashadaan isaga loo xaglinayo hadana , Su’aashaan jawaabteeda waxaa la heli doonaa doorashada Madaxweynaha Jubbaland kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbooyinka
Caasimada@live.com