AXMED Madoobe oo isku doortay madaxweyne.!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jawi degan kusoo gabagaboobay is-doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo oo ay ku loolamayeen Axmed Madoobe iyo saddex musharax oo u camirayey.

Waxaa hoolka ku sugnaa Madax farabadan, waxaana hoolka ka dhex muuqday Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Puntland, halka Maamulada kale ay madasha doorashada ka maqnaayen.

Dhanka DF Somalia doorashadaasi cidna ugama aysan qeybgalin markii laga reebo ilaa Seddex Mas’uul oo aan wakiil u aheyn Dowlada, halkaasi ku gaaray qaab hoos iska taabad ah.

Doorashada ayaa waxaa lagu kala baxay wareega koobaad, waxa uuna codka ugu badan raacay sidii la filayey Madaxweynihii KMG ahaa ee Jubbaland Axmed Madoobe.

Codka doorashada ayaa ahaa qarsoodi, waxaana codeynaya 74 xildhibaannada Jubbaland ah.
Codadka sidaan ayaa loo kala helay:-

Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo helay (68 cod)

Hilowle Aadan Maxamed (2 cod)

Cismaan Xuseen Feyruus (2 cod)

Maxamed Cismaan Yuusuf (0)

Doorashada ayaa kusoo idlaatay muddo 30 daqiiqo ah waxa ayna noqoneysaa doorashadii ugu fududeyd oo ka dhacda dalka.

Horay ayaa loo sii saadaalinaayay in doorashada uu kusoo bixi doono Axmed Madoobe, waxaana soo baxay saadaalintii ay dadku muujinayeen inta aysan doorashada dhicin ka hor.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com