Shaqaale ka tirsan BF oo Muqdisho lagu toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa goordhow Magaalada Muqdisho ku toogtay Gabar ka tirsaneyd Shaqaalaha Baarlamaanka Somalia.

Gabadha la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Rahma Mohamed Abdulkadir waxaana dilkeeda fuliyay dhalinyaro Seddex gaareysa oo bastoolado ku hubeysnaa waxa uuna Dilkaasi ka dhacay Degmada Wadajir.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa kusoo waramaaya in dhalinyaradii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, iyadoona halkaasi ay gaaren Ciidamada DF oo howlgal halkaasi ka fuliyay.

Raxma, waxa ay ka mid aheyd shaqaalaha Baarlamaanka kuwa ugu fir fircoon, waxaana maanta ay sababsatay gacan ka xaqdaran.

Waxaan sidoo kale, dilka faahfaahin ka bixin Maamulka Degmada Wadajir.
Dhanka kale, dilalka ka dhaca Degmadaasi ayaa noqonaaya kuwo faraha kasii baxaaya mudooyinkii danbe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com