Sawirro: Axmed Madoobe oo gacanta bidix laga dhaariyay iyo rasaas laga maqlaayo KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in halkaasi laga maqlaayo rasaas xoogan oo ay furayaan Ciidamada Maamulka.

Rasaasta ayaa u badan kuwo kor loo ridaayo, waxaana la sheegayaa in rasaastaasi ay furayaan Ciidamada ku jira xerooyinka Kismaayo.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaayo in rasaastaasi ay tahay mid loogu dabaal dagaayo Madaxweynaha cusub ee Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna Saraakiisha Ciidamadu iminka wadaan sida rasaastaasi lagu hakin lahaa.

Sidoo kale, waxaa goordhow Hoolka lagu dhaariyay Madaxweynaha cusub, waxa uuna Madoobe wacad ku maray inuu si sinaan ah ugu adeegi doono shacabka ku hoos nool Maamulka.

Madoobe waxa uu tilmaamay in si cadaalad ah uu ugu shaqeyn doono shacabka, Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta Maamulka.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in doorashada aysan ka turjumeynin in Axmed Madoobe uu sida uu doono ka yeelanaayo Maamulka, balse uu waxbadan ka bedelaayo Hanaanka Siyaasadeed.

Dhanka kale, Sawirada laga soo qaaday dhaarinta ayaa waxa ay muujinayaan Axmed Madoobe oo gacanta bidix saaray Kitaabka, islamarkaana sidaa lagu dhaariyay halkii laga filaayay inuu saaro gacanta Midig.
1

2

3

4
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com