Yuusuf Garaad oo faallo ka qoray Mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheekh iyo waxa uga baxay

Waxaan si deggan u akhriyay sagaalka bog ee dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku ay u gudbiyeen Guddoonka. Waxaan si taxaddar leh u dhegeystay labaatameeyo daqiiqo oo ah jawaabta Madaxweynuhu uu ka bixiyay arrinkaas.

Waxaa ii soo baxday kala war la’aan. Waxaa ii soo baxday in aan isku mowjad laga hadleyn.

Labadii Dowladood ee tan ka horreeyay waxay galeen qulub markii uu soo dhowaaday dhammaadkii xilligoodu. Qulubkaas waxaa uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ku kallifay in uu isagu iskiis isu casilo. Halka Madaxweyne Shariif uu isagu helay sannad kororsiimo ah, ka dib markii uu aqblay in Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi uu dibadda dhigo.

Laakiin hadda waxaa ii soo baxday in la galay marxalad siyaasadeed oo aanuu jirin siyaasi Soomaaliyeed oo khibrad u leh. Waa markii ugu horreysay ee Guddoonka Baarlamaanku uu si rasmi ah u qabto mooshin la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne muddadii loo doortay aanay dhammaan.

Waxaa ii soo baxday in aanay jirin Maxkamad Dastuuri ah oo is hor taagta mooshinka ama u qirta in uu haysto qiil sharci ah oo ay tahay in Baarlamaanku uu dood ka furo aakhirkana cod u qaado.

Waxaa ii soo baxday masiirka umadda Soomaaliyeed in uu aad gacanta ugu sii galay tiro yar oo aan saanta isla haysan.

Wuxuu mar kale marayaa meel u baahan in inta yar ee go’aanka ku lihi ay aad uga baaraan degaan waxa ay ku dhaqaaqayaan, sida ay sharciga dalka u waafaqsan yihiin iyo sida ay ugu adeegayaan danaha dadka Soomaaliyeed. Meel u baahan in ay ka dhowrsadaan nin jecleysi ama nin iska dhicin.

Waxaa ii soo baxday in loo baahan yahay in laga dhowrado oraah ama fal kasta oo xaabo u noqon kara dabka la shiday in uu sii qaxmo.

Waxaa ii soo baxday in amniga loo baahan yahay in la xoojiyo si aan khilaafkan looga faa’iideysan.

Waxaa ii soo baxday in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay in hey’adaha Dowladda iyo dalkaba aanuu ku sii dheereyn dhiig baxa ee arrinkaan dhakhsa u soo afjaro.

Waxaa ii soo baxday in go’aan kasta oo la qaadanayo ay tahay in laga baaraan dego sida uu meel mar ku noqon karo.

Waxaa ii soo baxday halbeegga lagu jimeyn karo xalku in uu yahay in la is weydiiyo waxa u dan ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed marxaladda uu 2015 marayo.

Waxaan xusuusinayaa jilayaasha siyaasadda maanta, in aanay dalka keligood lahayn. In in badan oo fahamsan waxa socda, xog ogaal ah, dalkooda daneynaya, bannaanka ka ah xeyndaabka siyaasaddu ay daawanayaan cayaarta garoonka ka socota iyo garsoorayaasheeda. In ay daawanayaan qofka si sharci ah u cayaaraya iyo midka sharci darrada ku socda. In dadka Soomaaliyeed ugu yaraan qaar ka mid ahi ay gartaan qofka dadka u adeegaya iyo kan ka adeeganaya sida in aan berri la gaari doonin.

W/Q: Yuusuf Garaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid