“Hal mid ayuu Xasan Sheikh ku bad-baadi karaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – C/llahi Goodax Barre oo mar kale ka hadlay Mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in go’aan lagu gaaray in Xildhibaanada BF aysan dhaqaale ku bedelan codkooda.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uusan maaro u heynin inuu wakhtiga kororsado, waxa uuna tilmaamay kaliya inay ku raali noqon karaan Xassan Sheekh oo Is casila ka hor inta aan si qasab ah looga qaadin xilka.

”Xassan Sheekh kaliya waxa uu nooga badbaadi karaa inuu Is Casilo inta uusan fadeexoowin isaga ayay khuseysaa mida uu doorbidi lahaa anagu wey naga go’an tahay”

Goodax Barre waxa uu sheegay in Mooshinkaani uu ka duwan yahay kii hore, islamarkaana Beesha Caalamka aysan faragalin kusoo sameyn karin arrimaha Khuseeya Mooshinka.

Xildhibaankii dib uga laabta Mooshinka ayuu sheegay in si gaar ah loola xisaabtami doono, islamarkaana ka laabashadiisa ay noqon doonto mid muujineysa inuu dhaqaale ku bedeshay arrinta xasaasiga ah ee taagan.

Haddalkaani ayaa imaanaya xili Madaxweyne Xassan uu Xildhibaanadaasi ku sifeeyay inay yihiin kuwo qaswadayaal ah oo dhexda u guntaday inay qalqal galiyaan amaanka iyo horumarka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com