Sidee Xasan Sheekh u fashilin karaa mooshinka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigatay Khubaro dhinaca sharciga ah Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga fadhiyaa inuu dagaal siyaasadeed iyo mid sharci ah la galo xildhibaano ay saaxiibo hore ahaayeen oo hadda mooshin xil ka qaadis ah isaga ka keenay.

Mooshinkan ayaa  gebi ahaantiisba ku tiirsan labada mas’uul ee kala ah:

  1. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)
  2. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa noqon kara halka madaxweynuhu taageerada ugu badani ka heli karo, haddii uu ka dhaadhiciyo, si mooshinkan loo fashiliyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sharci darro ka dhigi karaa Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha, taasoo loo mari karo in loo diro Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka, taasoo bedelkeed hadda la adeegsan karo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare haddii markaas madaxweynuhu isku hubo Ceydiid Ilka-xanaf. Laakiin waxaa loo badinayaa inuusan sidaas sameyn doonin.

Inkastoo xiriirka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ceydiid Ilk-xanaf aanu wanaagsaneyn muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa hadda la aaminsan yahay in labada nin si weyn isku fahmi karaan marka ay timaado dhaqaale iyo difaac siyaasadeed.

Dad badan ayaa aamisan in madaxweynaha markan ay fududahay inuu mooshinkan ka adkaado, isagoo aan u baahneyn inuu xildhibaano badan laaluush siiyo ee kaliya looga baahan yahay inuu is afgarad la gaaro Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Isha goobjooge