Haweeney Somali ah & ilmaheeda oo ku biiray IS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa daabacay in Haweeney Somali-British ah xubina ka ah Maleeshiyaadka Daacish ay ku xaniban tahay Dalka Turkiga.

Haweeneydaasi oo magaceeda lagu sheegay Shukri Begum ayaa la rumeysan yahay inay deganaan jirtey magaalladda Manchester ee dalka Britain, balse wakhtiyadaani danbe ay ku nooleyd dalka Syria gaar ahaan Magaalada lagu magacaabo Raqa, sida uu wargeyska daabacay.

Shukri Begum ayaa waxaa la socda Carruur ay iyada dhashay, waxa ayna xiligaasi dib uga soo laabatay Magaalada Raqa, waxa ayna u dhixi jirtay Jihaadiiste ka tirsanaa Daacish oo si aad ah looga baadi goobayo caalamka, gaar ahaan dalalka cadaawada ay kala dhexeysa Daacish.

Shukri Begum oo wadatay 3 gabdhood iyo 2 wiil, ayaa dooneysay inay dib ugu laabato dalka Britain, hayeeshee xiriir dhexmaray Sirdoonka Turkiga iyo Britain ayaa suuragaliyay in Haweeneydaasi iyo Carruurteeda hakat laga galiyo socdaalkooda.

Fashil kadib Shukri Begum iyo Carruurteeda ayaa ku baxsaday gudaha dalka Turkiga si ay kaga badbaadan dabagalka ay ku hayaan Sirdoonka is baheysanaaya.

Shukri Begum waxa ay sidoo kale baxsad ka tahay Maleeshiyaadka Daacish oo ay kala soo baxsatay Carruur ay u dhashay, waxaana cabsidaasi barbar socda mida Btirain iyo Turkiga ay kaga dhuumaneyso.

Marka laga soot ago baxsadkeeda ayaa waxaa Shukri Begum ay dhexda kaga jirtaa kiisas badan oo ay ku hayaan Sirdoonka Britain oo iyaga horay uga warhayay Xaalada Shukri Begum.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com