“AXMED Madoobe isaga oo aan sharciyeysneyn baa waxaa doortay baarlaman aan sharci ahayn”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Labada Gole ee DF Somalia, ay la yaaban yihiin doorashadii 30-ka daqiiqo kusoo idlaatay ee ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka baxshay Mudanayaal ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaano Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah mudanayaasha BF Somalia oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Doorashada ka dhacday Kismaayo ay tahay mid aan Somalia horay uga dhicin waxa uuna tilmaamay inay tahay doorashadaasi mid waxkama jiraan ah.

kismaayo yaabWaxa uu Xildhibaan Magan sheegay in doorashadaasi dhan waliba markii laga eego lagala baalmaray sharcida u degan dalka balse ay iyaguna u arkaan mid aan waxba soo kordhin doonin islamarkaana aysan aqoonsaneyn Maamulkaasi iminka la yagleelay.

Xildhibaanku waxa uu u sababeeyay in Xildhibaanada doortay Axmed Madoobe aanay u dhameen dadka daga deegaanada Jubba iyo in xildhibaanada codeeyay aanay sharci aheyn madaama Barlamanka Federaalka uu diiday sharci ahantooda kadib markii ay cabasho ka keeneen beelaha Jubooyinka badi.

Doorashadii ka dhacday Kismaayo waxa uu sheegay inay ka muuqatay in wax la qarsaday ay aheyd, loona baahnaa inay doorashadu u ekaato sida tii Cadaado oo kale dadkana u dhamaadaan, sida uu Magan hadalka u dhigay.

‘’Go’aanka BF waa kii ay horay u gaaren laguna diiday Baarlamaanka Jubba, hadda sheekadu waxa ay noqotay shaqsiyaad aan sharciga waafaqsaneyn oo iyaga un is doortay taasina cid yeeleyso haba yaraatee ma jirto’’

Geesta kale, waxa uu Xildhibaan Magan ku baaqay in Axmed Madoobe uu garwaaqsado sharciga dalka u degan hadii uu ka dhaga adeegana uusan waxba soo kordhin doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com