Siyaasiyiintii GEDO ee ay masaafuriyeen AXMED Madoobe iyo Ethiopia oo soo gaaray magaalada..

Muqdisho (Axmed Madoobe) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay soo gaaray saraakiishii dowladda ee gobalka Gedo iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale, ka dib markii gobolkaas ay kasoo eryeen Axmed Madobe iyo Ethiopia.

Diyaarad tagtay Xamar ayaa waxaa la socday mas’uuliyiinta kala ah Maxamed Cabdi Kaliil gudoomiyahii gobalka Gedo, balse xilka laga qaaday, Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan, gudoomiye ku xigeenkii gobalka Gedo Cabdi Barre Cabdi, gudoomiyahii Ahlu-sunna ee gobalada Koonfureed Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-libaax iyo xubno kale.

Maxamed Cabdi Kaliil oo saxaafadda kula hadlay Garoonka Aadan cadde ayaa sheegay in xubnaha yimid magaalada Muqdisho ay muddo Todobaad ah ku xirnaayeen degmada Doolow oo ay xireen ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xilka aanu ka qaadin madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, balse xilka ay ka qaadday dowladda Itoobiya waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xurriyada iyo sharafka yaga kuma aanay joogin muddo Sideed Maalin ah, xabsi dowlo ayaan ahayn, midda kale xil la’iga qaaday ma jirto, hadiiba wax la qaaday waxaan qabaa Itoobiya ayaa iga qaaday” ayuu yiri Kaliil.

Ugu dambeyn Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in wada tashi ay la sameyn doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeedda gobalka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com