KALIIL oo kashifay sir badan oo DF ka daahsoon

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii DF Somalia ugu magacawnaa Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa faahfaahin ka bixiyay xil ka qaadistii maalmo ka hor lagu sameeyay.

Kaliil ayaa sheegay in marka hore uu nasiib darro u arko in isaga oo ku sugan dalkiisa Somalia ay Dowlada Ethiopia xilka uu hayay awood uga qaado, waxa uuna sheegay in taasi ay u tahay ayaan darro.

Guddoomiye Kaliil ayaa sheegay in haba yaraatee uusan Xilka ka qaadin Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe,balse Xilka ay ka qaaday Dowladda Ethiopia, Axmed Madoobane uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado.

Waxa uu tilmaamay in DF Somalia iyo shacabkuba ay moodaan in xilka uu ka qaaday Axmed Madoobe balse ay awoodaasi lahaayen Saraakiisha Ethiopia ka joogta Gedo oo siyaasado xun kula dhaqmay.

“Anigu waxaan qabaa inaan weli ahay Gudoomiyaha Gobolka Gedo, waayo cida xilka iga qaaday waa Ethiopia oo awood iigu sheegatay dalkeyga”

“Waayo aniga iyo Mas’uuliyiin dhowr ah ayaan Ethiopia muddo siddeed maalin ugu xirneyn Dooloow ilaa markii danbe awaal leygaaga dhigay in Muqdisho la iisoo safriyo”

Nasiib darro cad ayuu ku tilmaamay in lagu dhex maamulo dalkiisa, islamarkaana ay Dowlada Ethiopia wax kama jiraan ay ka dhigto awooda Qaranka Somalia, iyada oo kaashaneysa shaqsiyaad uu kamid yahay Axmed Madoobe.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in Siyaasiinta la socday uu kamid ahaa Maxamuud Sayid Aadan iyo Ku-xigeenadiisa iyo saraakiil kamid ah Ahlusunna waljamaaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com