Laascaanood (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo gaystay khasaare, sidoo kalena cabsi wayn ka abuuray gudaha magaaladaasi.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in falkan uu ahaa mid halis ah, isla markaana lagu beegsaday guri uu shir ka socday oo ku yaalla xaafadda Heegan ee magaalada Laascaanood.
Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in guriga uu lahaa nin shacab ah, isla markaana ay ku shirayeen odayaal dhaqameed soo xulayay xildhibaannada cusub ee maamulkaasi, balse uu weerar gaadmo ah ku qaaday nin hubeysan oo dhaawacay hal qof.
“Falkan wuxuu ka dhacay guri uu leeyahay muwaadin shacab ah, halkaas oo ay ku shirayeen cuqaal iyo isim beeleed u socday hawl muhiim ah oo lagu soo xulayay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari. Nasiib darro dambiile hubeysan ayaa xabado ku furay gurigaas, waxaana dhawaac fudud soo gaaray xubin ka tirsan laamaha amniga ee Dawlad Goboleedka Waqooy Bari” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay haatan wadaan baaris, ayna ku daba jiraan ninka weerarka gaystay, si loo soo qabto, sharcigana loo horgeeyo.
Wasaaradda amniga maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa sidoo kale soo saartay baaq ka kooban saddex qodob oo ay u dirtay shacabka ku dhaqan Laascaanood, waxayna ka dalbatay;-
- Inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin oo keeni kara cabsi iyo jahwareer.
- Inay la shaqeeyaan laamaha amniga oo sugaya nabadgelyada guud.
- Inay si joogta ah uga war hayaan amniga deegaanka oo ay kusoo wargeliyaan hay’adaha ku shaqada leh wixii dhaqdhaqaaq ah oo laga shakiyo.
Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lasii raaciyay “Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari waxaa si buuxda uga go’an inay ilaaliso nabadda, kala dambeynta iyo in shacabka loo xaqiijiyo amni waara”.