Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Masjidka Madiina ee dalka Sacuudiga + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa waxaa goordhow lagu qaaday Masaajidka Madiina ee uu ku Aasan yahay Suubanaheena Nabi Muxamed NNKH ee Magaalada Madiina ee Wadanka Sacuudiga.

Telefeshinka Al-jazeera ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ka dhacay Masaajidka Madiina, kaasi oo ay ku geeriyooden ilaa Afar ruux oo kamid ahaa dadkii ku cibaadeysanaayay Masaajidka Madiina.

Telefeshinka waxa uu sheegay in weerarka ismiidaaminta ah uu ka dhacay Banaanka hore ee Masaajidka Madiina intii lagu guda jiray Salaada Maqrib.

Saraakiisha ciidamada Masaajidka Madiina, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid aan khasaarihii la filaayay geysan waxa ayna sheegen in halkaasi ay ku qabqabteen rag lala xiriirinaayo ku lug lahaanshiyaha weerarka.

Dowlada Sacuudiga ma aysan sheegin cida ka danbeysa weerarka balse waxa ay sheegen in baaritaano ay ku sameynayaan cida weerarkaasi ka danbeysa.

Dowlada Sacuudiga ayaa dagaal kula jirta Kooxaha xagjirka ah ee Shiicada iyo Daacish kuwaasi oo bilihii ugu danbeeyay dalkaasi ka dhex waday weeraro lagu qalqal galinaayo dadka ku sugan goobaha lagu cibaadeysto.
1

2

3

4

5