Xog: Guuleed oo maray dhabihii ay mareen Gaas iyo A/Madoobe

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa cafis u fidiyay Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga weyn ee magaalada Cadaado.

Maxaabiista uu Madaxweyne Guuleed Cafiska u fidiyay ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 30 maxbuus kuwaasi oo gabi ahaan ahaan u xirnaa danbiyo aan sidaa u buurneyn.

Madaxweyne C/kariin ayaa sheegay in Cafiska Maxaabiistaasi uu yahay mid la xiriira Bisha Barakeysan ee ramadaan.

Guuleed waxa uu sheegay in deysmada Maxaabiistaasi ay ula gol leeyihiin in Maxaabiistaasi dib u helay xoriyadooda ay la midoobaan qoysaskooda.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland ayaa horay u cafiyay Maxaabiis farabadan oo iyaguna u xirnaa danbiyo yar yar kuwaasi oo iminka la midoobay eheladooda.

Inta badan Xabsiyada wadamada Muslimka ah ayaa waxaa Bisha Ramadaan iyo Ciida laga siidaayaa Maxaabiista si ay ula midoobaan eheladooda.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com