Keating oo ka hadlay lugooyada beesha caalamka ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michel Keating, ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in Beesha Caalamka ay Somalia ka hortaagan tahay xoriyadda.

Michel Keating, waxa uu sheegay in Beesha Caalamka aya Somalia u joogaan keliya in Soomaalida ay kala shaqeeyan midnimada iyo cadaalada waxa uuna sheegay in arrimaha Somalia ay faraha kala bixi doonaan goorta ay Soomaalida isku tashtaan.

Keating, waxa uu tilmaamay inay la socdaan in Soomaalida ay walaac ka qabaan hagida ay Beesha Caalamka hageyso arrimaha Soomaalida, waxa uuna carab dhabay in arrinku uusan sidaa aheyn balse ay doonayaan keliya Somalia oo isku tashata.

Keating, waxa uu Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia ka fogeeyay eeda waxa uuna cod dheer ku sheegay in ujeedkooda uu yahay wanaaga Somalia.

Waxa uu sheegay in dhammaantooda ay kasoo tageen dalkooda, Xaasaskooda iyo Carruurtooda si ay Somalia uga saaran dhibta dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay ay ku jireen Ummada Soomaaliyeed.

Wuxuu tilmaamay in Somalia ay iminka ku hageen dhabaha wacan, islamarkaana ay doonayaan inay dhameystiraan inta harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com