XOG: XASAN oo xilka ka qaadaya mas’uuliyiin sare + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu dhawaan uu xil ka qaadis ku sameyn doono Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Xukuumadiisa iyo Hay’adaha amniga dalka khuseeya.

Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inuu magacaabi doono mas’uuliyiin kale oo isugu jira Siyaasiyiin hore iyo kuwo ku cusub Siyaasada dalka.

Xil ka qaadista ugu badan ayaa saameyn doonta Madaxtooyada, Golaha Wasiirada, Talisyada NISA, Milliteriga iyo Booliska.

Madaxweyne Xassan ayaa iminka diyaariyay Liis dheer oo ay ku hardhan yihiin mas’uuliyiinta xilka laga qaadi doono iyo kuwa la magacaabi doono, waxaana kamid ah ragga xilkooda weyn doona Taliyaha Nabadsugida Qaranka ee Gobolka Banaadir C/xakiin Farey iyo mas’uuliyiin kale sida ay xogta nagu soo gaarsiiyen xubno ka howlgala Madaxtooyada Somalia.

Xil ka qaadista uu qorsheynaayo Madaxweyne Xassan ayaa kusoo beegmeysa xili Asbuucyadii ugu danbeeyay uu waday isbedel dhanka Golaha Wasiirada iyo Hay’addaha amaanka.

Ma cadda tiradda rasmiga ah ee Madaxweyne Xassan uu xilka ka qaadi doono, balse xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay gaarayaan 4 ilaa 6 mas’uul oo xilkooda weyn doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com