Maxay Jubbaland ka tiri kulankii Barre Hiiraale iyo Mareykanka?

Kismaayo (Caasimada Online ) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland oo u muuqda iney difaacayaan Kenya , Mareykanka iyo Barre Hiiraale ayaa ka hadlay kulan ka dhacay Kenya.

Xildhibaan Axmed Iftin oo kamid ah baarlamaanka Jubbaland ayaa shaaciyay in hadda aysan jirin cid hubeyneysa korneyl Barre Aadan Shire Hiiraale oo mucaarad ku ah maamulka Jubbaland.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in dowladaha Kenya iyo Mareykanka aysan diyaar xiligan u aheyn iney hubeeyaan maamul ama koox gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale sheegay xildhibaanka in Barre Hiiraale uu kamid yahay siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbooyinka, isagoo beeniyay in kulan gaar ah uu dhexmaray Barre Hiiraale iyo dowlada Mareykanka.

“Been ayay buunbuuniyaan, Mareykan Qabiil hubeynayaa ma jiro, Kenya qabiil hubeyneysana ma jirto, marka in qabiil la hubeeyaa ama hogaamiye kooxeed la hubeeyaa adduunka kama dhaceyso”ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com