Xog + sawirro: Qorshaha & sirta socdaalka R/W CC ee Sacudiga

Riyadh (Caasimada Online)- Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo iminka ku sugan dalka Sacuudiga ayaa waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay Boqorka dalka Sacuudiga iyo Mas’uuliyiin kale oo dalkaasi xilal muhiim ka haya.

Socdaalka Cumar ayaa ujeedkiisa ugu weyn waxa uu yahay inuu sanadkan soo helo saddaqada iyo zakada Sacuudiga ay siiso Soomaaliya, oo madaxda sare ay sanad walba isku beddelaan.

Si kastaba Ra’isul wasaare Cumar ayaa socdaalkiisa ku dadbay isaga oo boqorka dalkaasi usoo bandhigay in Dowladiisa ay garab lixaad leh ka qaadato kobaca Siyaasadeed ee iminka ka socda Somalia, waxa uuna ka dalbaday in la xoojiyo xiriirka kala dhexeeya Somalia oo ah dal kasoo kabsanaaya burburka.

Sharmaarke iyo Boqorka dalkaasi ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha la xiriira doorashada iyo amaanka, waxa uuna Sharmaarke dalbaday in Sacuudiga ay muujiso kaalinta kaga aadan doorashada Somalia iyo sida loo heli lahaa jawi nabadgalyo oo bedeli kara xaalada amni darro ee iminka Somalia ka taagan.

Sharmaarke waxa uu sheegay in lamahuraan ay tahay in Dowlada Sacuudiga ay garab istaagto Soomaalida iminka usoo jeesatay in ay dhistaan dalkooda, waxa uuna Boqorka dalkaasi xasuusiyay in xiriirka Sacuudiga iyo Somalia uusan aheyn mid iminka bilowday balse uu ahaa mid soo jireen ah.

Boqorka dalkaasi ayaa dalabka Ra’isul wasaaraha Somalia kadib ballanqaaday in Dowladiisa ay la imaan doonto waxqabad ka duwan kii hore oo ay la garabtaagneyd Somalia, waxa uuna ballanqaaday in dhan waliba ay ka taageeri doonaan Somalia oo ah dalka saaxiib la ah Somalia.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxaa safarkaasi ku wehlinaayay Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga C/raxmaan Ceynte iyo Wasiirka cusub ee Wasaarada Boostada.

cc sacuudicc sacuudi 2cc sacuudi 3

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
Caasimada@live.com