28.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho (Yaa lagu qaaday)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu weeraray Gaari ay la socdeen Howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda DFS.

Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Xamar Bile ee degmada Wardhiigley, waxa uuna weerarka dhacay xilli Howlwadeenada ay kusii socdeen shaqooyinkooda.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay inay geysteen Maleeshiyaad ku hubeysnaa hubka fudud oo la socday gaari nooca raaxada ah, kuwaa oo rasaas ooda uga qaaday Gaariga ay la socdeen Howlwadeenada xili uu is garabtaagay.

Gaariga ay la socdeen Howlwadeenada ayaa xilliga weerarka maraayay meel ku dhow saldhiga Wardhiigley, waxaana halkaasi ka baxsaday Gaariga weerarka geystay.

Waxaa la xaqiijiyay in weerarka uu ku geeriyooday wadihii Gaariga ay la socdeen Howlwadeenada, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Sidoo kale, darawalka dhintay ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi Dheere, waxaa ka bad baaday weerarka labo kale oo saarnaa gaariga.

Dhinaca kale, Sargaal ka tirsan Wasaarada Maaliyadda ayaa inoo xaqiijiyay in Howlwadeenadaani subax walba uu gaadiid ka soo qaadi jiray degmada Wardhiigley, kaddibna u kaxeyn jiray xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News