Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku bilowday ismiidaamin ayaa goordhow ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.
Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online, weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad shacab ahaa oo ku sugnaa goobta weerarka ka dhacay.
Sida wararka hordhaca ah sheegayaan, weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyey, weerarka ayaa waxaa ku dhintay 4 askari oo goobta ku sugnaa halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen.
Mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowladda ayaa iminka ku sugan goobta uu ka dhacay weerarka, waxaana halkaasi laga daabulayaa dhaawacyo iyo meydad.
Weerarradan ayaa muujinaya halista joogtada ah ee ka jirta Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan sida hoteellada iyo maqaayadaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii ay u xoojin lahayd amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaana socda howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada.