Xog: Xasan Sheekh oo tegaya furimaha dagaalka iyo qorshe culus oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya inuu berri u safro magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, isla markaana uu uga sii gudbo furimaha dagaalka ee aagga Qaayib, halkaas oo ciidan xoog leh lagu diyaarinayey maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxtooyada ayaa labadii maalmood ee u dambeysay dhowr magaalo oo ka tirsan gobollada dhexe u dirtay ciidan iyo shaqaale ka soo horeynaya wafdiga madaxweynaha, wuxuuna Xasan Sheekh tegayaa degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan Galmudug iyo HirShabeelle.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, madaxweynaha ayaa doonaya in la dardar geliyo dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dhiira-gelin ugu tegayaa ciidamada xoogga dalka ee furimaha gobollada dhexe jooga iyo xogagga deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gebi ahaan istaagay duullaankii lagu qaaday maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee Soomaaliya, marka laga reebo dhowr tuullo oo ciidamada ay qabsadeen dagaal la’aan, kadib markii ay isaga carartay kooxdu.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-Shabaab, oo uu ugu dambeeyey deegaanka muhiimka ah ee Wabxo ee dhowr maalmood kahor ay ciidamada faarujiyeen.

Saraakiisha qaarkood ayaa laga soo xigtay in Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka uu bixiyay amarka dib looga baxay degaannadii laga saaray kooxaha Al-Shabaab, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn karin taas.

Fallanqeeyayaal amni oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in arrintan ay ugu wacan tahay xeelad la’aan dhanka dowladda ah iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid aan muhiimad weyn siineyn dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aheyd inuu dagaalka hoggaamiyo, isla markaana dhiiri-geliyo shacabka iyo ciidanka dowladda, ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixinaya safaro dibadeed oo badankood aan wax macno iyo dan ah ugu jirin Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in hadda uu u soo jeestay dhanka dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna qorsheeyey inuu safar ku tago furimaha dagaalka ee Galmudug iyo HirShabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh, safarkiisa ugu horeeya ayuu ku tegayaa Cadaado, wuxuuna uga sii gudbayaa dhanka Baxdo iyo Qaayib, sida ay shegeyso xogtaan, sidoo kale waxaa suurta gal ah inuu tago Wisil iyo Dhuusamareeb, kadibna uu uga sii gudbo Beledweyne ilaa Maxaas.