Mareykanka oo sheegay sababta uu u taageeray go’aankii ay diidaneyd DF

New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay sababta ay u taageertay qaraarka Golaha Ammaanka QM ee muddo sanad ah ku kordhiyey cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay dooneysay in la qaado.

Qaraarka 2662 (2022) ayaa waxaa taageeray 11 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, oo Mareykanka uu ku jiro, mana jirin dal diiday. Waxaana ka maqnaa afar dal oo kala ah; China, Gabon, Ghana iyo Ruushka. 

Danjire Robert Wood, oo ka wakiil ahaa dowladda Mareykanka ayaa sheegay in dowladdiisa ku faraxsan tahay inay codeysay muddo kordhinta cunaqabataynta hubka, illaa 12 bil oo dheeraad ah, sababtuna ay tahay in dowladda federaalka ay u baahan tahay in horumar dheeraad ah ka sameyso xakameynta hubka.

“Waxaan soo dhoweyneynaa horumarka la ammaani karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan maareynta hubka iyo kaydintiisa. Wax ka beddelka qaraarkani waxa uu ka tarjumayaa horumarkaas la taaban karo. Waxaan rajeyneynaa in horumarka noocaan ah uu sii socon doono, kaas oo oggolaan doona in lasii fududeeyo cunaqabataynta hubka,” ayuu yiri. 

Danjire Wood ayaa sheegay in qaraarka loo dhigay qaab taageeraya ficillada dowladda federaalka ah iyo saaxiibada la shaqeeya ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena xakamaynaya in Al-Shabaab ay hub helaan. 

Qaraarka ayaa waxaa lagu daray qodob ogolaanaya in dowladda federaalka iyo dalalka caawiya militariga Soomaaliya ay hub keeni karaan dalka.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah QM inay dhaqan geliyaan qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 751 ee quseeya Al-Shabaab, oo ay ku jiraan tallaabooyin lagu xakameynayo awoodda Al-Shabaab ay ku heli karto dhaqaale, hub, iyo taageerada kale ee ay u baahan tahay si ay weeraro u fuliso, iyo in hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya lagu taageero agabka ay u baahan yihiin si ay ula dagaalamaan argagixisada, una sugaan amniga shacabka,” ayuu yiri

Danjire Wood ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay taageeridda shacabka Soomaaliya iyo inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka.