Hadal-haynta ku saabsan GABAR SOOMAALI ah iyo qaraxii ka dhacay ISTANBUL

Istanbul (Caasimada Online) – Qarixii Axaddii ka dhacay aagga Istiklal Street ee magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 6 qof  tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay.

Wixii markaas ka dambeyay waxaa  baraha bulshada ku faafayay warar been abuur ah oo laga sameeyay dhacdaas.

Maalmo kadib markii qaraxu dhacay haweenay Soomaali ah ayaa iska soo duubtay muuqaal ku saabsan weerarkaas  kaasi oo lagu baahiyay barta TikTok.

Muuqaalka gabadhan Soomaalida ah ayaa sidoo kale lagu faafiyay qaybaha kala duwan ee baraha bulshada sida Facebook iyo Telegram, iyadoo sheegaysa in qofka lagu tuhmayo weerarka ay walaalo yihiin.

Sidoo kale gabadha Soomaalida ah ayaa muuqaalka ku sheegtay in haweenayda loo haysto qaraxa aaney dambi lahayn, hadalkaas oo wax kama jiraan ah, sida wararku sheegayaan.

Haweenaydan ayaan ku muujin muuqaalka in ay wax xiriir ah la leedahay qofka eedaysanaha ah, balse waxay shaki galisay in haweenaydu ay boolisku u soo qabteen weerarka ay ku lug leedahay dhacadaas.

Haweenaydan Soomaalida ah ayaa ku boorisay Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee ku sugan Turkiga inay  taxadaraan.

“Fadlan is jira. Dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo ajaanibka ku nool halkan waa in ay ka digtoonaadaan sababtoo ah booliska ayaa hadda u dhacaya guryaha dadka ajaanibka ah ee dalka ku nool, isla markaana ururinaya dhammaan ajaaniibta aan waxba galabsan,” ayay ku tiri muuqaalka.

In kastoo muuqaalka uu ka saaray TikTok qofkii soo galiyay, haddana, baraha kale ee bulshada ayuu aad ugu baahay. Dadka isticmaala baraha bulshada iyo warbaahinta ayaana siyaabo kala duwan uga faallooday.

Booliska Turkiga oo shaaciyay xogta gabadhii qarxisay Istanbul

Saraakiisha booliiska dalka Turkiga, ayaa shaaciyay xog ku saabsan qarixii Axaddii la soo dhaafay ka  dhacay Turkiga. Waxay sheegeen in la qabtay dad lagu tuhmayo in falkaas ay ka dambeyeen.

Sida laga soo xigtay maamulka Turkiga, waxaa dadkaan la soo qabtay kadib markii la baaray 1200 kaamiradaha wax duuba ah kuwaas oo laga helay xogta sida uu u dhacay weerarku.

Waxaana loo xiray dhacadaan 46 qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayen.Su’aalo la weeydiiyay shaqsiyaadkan kadib ayaa waxaa lagu dhawaaqay haweenayda looga shakisan yahay weerarka oo ah Axlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya, taasoo lagu qabtay magaalada Küçükçekmece.

Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska.

Maamulka ayaa shaaciyay in Albashir ay amarka ay ku fulisay weerarka ay soo qaadatay iyadoo joogta magaalada Kobani (Caynu-Carab) ee waqooyiga Suuriya, kadibna ay Turkiga si sharci darro ah ku soo gashay 4 bilood ka hor, iyadoo aadday magaalada Istanbul, halkaas oo ay ka shaqeysay midka id ah goobaha dharka lagu talo.

Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu sheegay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah kuraas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqiiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cabbaar ah ka sii maqan goobta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay in ay  aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Küçükçekmece.

Agaasinka Amniga Istanbul, ayaa sheegay in haweenaydan lagu tuhmayo in ay ka dambeysay weerarkii Axaddii dhacay ay Waddada Istiklal ee Taksim Square, gashay iyadoo dhabarka ku wadata boorso, ayna ku fariisatay kursi yaalla halka wax ka dhaceen.

Kaamiradda ayaa laga arkay muuqaalkeeda. Intii ay su’aalaha weydiinayeen saraakiisha booliisku waxay sheegeen in Albashir ay sheegtay in si gaar ah  ay tababarro u siiyeen ururada PKK/PYD/YPG, iyadoo si sharci darro ahna ku soo gashay dalka Turkiga oo ay ka soo gashay gobolka Afrin.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in haweenaydan ka hor inta aan la soo qaban ay isku diyaarineysay in ay u baxsato dalka Giriigga.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa la kulmay nin dukaan ku leh halka haweenaydan ay ku nooleed isla markaana ay ka shaqeyn jirtay, kaas oo lagu magacaabo Kazım Karabeki.

Isaga oo la hadlayay waraabhinta  Demirören, wuxuu yiri; “deegaanka ayay ku nooleed muddo hal sano ah. Waxayna ka shaqeyn jirtay feeraynta dharka(kaawadeynta), “.

Dukaanle kale ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu arko hawenaydan ay la socotay ilmo yar.

Waddada Istiklal, oo ah waddo muhiim u ah isu-socodka dadka oo weerarkii dib la xiray ayaa hadda dib loogu furay dadweynaha.Dowlada hoose ayaa goobta ku midabeysay calanka Turkiga, iyadoo sidoo kale dhigtay ubaxyo.

Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadayo bacaha iyo boorsooyinka lala galo fagaaraha ay wax ka dhaceen.

Goobtan ayaa ah goob ay inta badan tagaan dadka dalxiisayaasha ah, waxaana hadda wixii ka dambeeya la baari doonaa sida boolisku sheegeen dadka halkaa la galaya alaabaha shakiga dhalin kara.

Isha: BBC Somali