Maxay Xasan Sheekh lix bil ugu qaadatay inuu beddelo ku-xigeenada G/Banaadir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir, iyadoo ay 6 bilood ku qaadatay.

Xogta laga helay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaysa in magacaabidda guddoomiye ku xigeenada Gobolka oo in muddo ah diyaar ahayd ay ka harsan tahay in lagu dhawaaqo oo la shaaciyo, taasoo ku xiran xilliga uu doorto Madaxweynaha.

Siyaasiyiin badan ayaa olole ugu jiray inay helaan afarta xil ee ku xigeenada Gobolka Banaadir, waxaana xil kasta uu yahay qoonde beeleed oo ay qasab tahay in beelihii hore u hayey xilalkaasi qof ka mida loo magacaabo.

Waxaa sii xoogeystay loolanka loogu jiro xilalkan, iyadoo ay rajo soo gashay mas’uuliyiintii xilalkan hore ugu fadhiyey oo markii hore aan shaqada xaadiri jirin, balse bilo kadib markii ay arkeen xaaladda ay dadaal u galeen inay xilalkooda ii heystaan.

Madaxweynaha ayaa 7-dii September 2022 wuxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale, balse ku dhowaad 2 bilood iyo Bar, weli waxaa laga sugayaa Madaxweynaha inuu soo magacaabo ku-xigeenadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kor u haya xilal fara badan oo isugu jira taliyeyaasha ciidamada oo la filayey in la bedelo, Agaasimeyaal, Safiiro iyo xilal kale, taasoo keentay inay yaraato mucaaradnimda loo hayo, iyadoo xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ay rajo ka qabaan in xubnaha ay wataan xilalkaasi wax ka helaan.

Guddoomiye ku xigennada Gobolka Banaadir ayaa wararku sheegayaan in ugu danbeyn maalmaha soo socda 6 bilood kadib kasoo bixi doonaan xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xigasho: Goobjooge