Weerar lagu beegsaday dhallinyaro ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo Gaalkacyo ka dhacay !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxa ay weerar ku qaaden tiro dhalinyaro ah oo ku sugneyd agagaarka iskoolka Umada ee Gaalkacyo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Kooxdaasi ay dhowr xabadood ku rideen dhalinyaradaasi, iyadoona uu weerarku ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iy dhaawac.

Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, labo kalane waxaa soo gaaray dhaawac oo midu yahay garaab.

Mid kamid ahaa dhalinyaradaasi oo weerarka ka badbaaday ayaa xaqiijiyay in raga la waxyeeleeyay ay deegaan ahaan kasoo jeeden Koonfurta Somalia, waxa uuna sheegay in qadar yar ka hor ay kasoo wada baxeen goob ganacsi oo aan sidaa uga sii fogeyn goobta uu falka ka dhacay.

Weerarka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Puntland oo halkaasi ka sameeyay Howlgalo ay dad badan ku qabqabteen, inkastoo ragii falkaasi geystay ay baxsadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com