Weerar lagu qaaday xarun nukliyeer oo leedahay IRAN iyo wararkii ugu dambeeyay

Tehran (Caasimada Online) – Weerar curyaamin ah ayaa lagu qaaday xarun nukliyeer oo ay leedahay dowladda Iran, taasi oo uu ka socday barnaamijka nukliyeerka rayidka, sida ay baahisay Shabakad warar oo aad ugu dhow hay’addaha amniga dalkaas.

Weerarka oo lagu qaaday dhismo ku yaallo meel u dhow magaalada Karaj, oo 40 km galbeed ka xigta caasimadda Tehran ayaa la fashiliyay ka hor inta uusan waxyeelo u geysan dhismaha.

Nournews, oo ah website la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay Golaha Sare ee Amniga Qaranka, ayaa maanta ku warramay in weerarkaas lagu curyaaminayay howlgalada Iran ee horumarinta nukliyeerka.

“Ka hor inta uusan wax waxyeelo ah u gaysan dhismaha ayaa  la fashiliyey weerarka, waxaana hadda baaritaan lagu wadaa dhacdadaas,” ayaa lagu yiri qoraalka shabakada ee ay ku shaacisay weerarka la fashiliyay.

“Weerarka ma sababin waxyeelo maaliyadeed iyo mid bani’aadam midna,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta weerarka maanta lagu qaaday xarunta nukliyeer ee Iran.

Sidoo kale wakaaladda wararka Iran ee ISNA ayaa ayaduna baahisay weerarkaas lagu bartilmaameedsaday xaruntaas oo kamid ah kuwa nukliyeerka ee Iran.

Majirto faah-faahin intaas ka baxsan oo laga helayo weerarkaas iyo noociisa, mana aha markii u horeysay ee weerar curyaamin ah lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee leedahay Iran.

Weerarka maanta ayaa imanaya xili bilihii dambe weeraro curyaamin ah lala beegsaday xarumaha nukliyeerka Iran, waxaana bishii April, xarunta nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ku taalla ee Natanz lala beegsaday weerar sababay waxyeello gaartay mashiinada kobciya uranium-ka iyo in korontada ay ka tagto.

Waxaa la rumeysan yahay in Israel ay inta badan fuliso weerarada curyaaminta ah, maadama ay xiisad adag kala dhaxeyso Iran, hase yeeshe ma jiraan warar rasmi oo ku aadan arrintaas.