Culimada Puntland oo si adag uga jawaabay eedeyn loo jeediyey iyo xiisad ka taagan

Garoowe (Caasimada Online) – Culimada Puntland ayaa maanta si adag uga jawaabay eedeyn uu u jeediyay maamulka Puntland, taasi oo la xiriirtay xiisada ka dhalatay xeerka gudniinka Gabdhaha ee ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland.

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo kamid ah culimada Puntland ee dhawaan ka hor-yimid xeerka gudniinka ayaa “waxba kama jiraan” ku tilmaamay eedeyntii uu Wasiirka Cadaalada Puntland u jeediyay ee aheyd in siyaasad ahaan u diidan yihiin culimadu xeerkaas.

“Majirto colaad gaar ah oo naga dhaxeysa anaga (culimada) iyo xukuumadda Deni, wuxuuna ku kooban yahay muranku xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xeerkaas aysan uga soo horjeedin arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadda Deni, balse ay aheyd arrin u murankeeda uu soo bilowday xiligii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole.

Culimaa’udinka Puntland qaarkood ayaa dhawaan si adag uga hor-yimid xeerka lagu joojinayo gudniinka gabadhaha maamulkaas oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland.

Waxaa tan iyo markii la ansixiyey xeerkaasi xiisad cusub ka dhex qaraxday Culimada iyo maamulka Deni, midaasi oo maalmihii dambe cirka isku shareertay, kadib hadalo adag oo hawada isku mariyeen labada dhinac.