Sheekh UMAL oo soo saaray 5 qodob oo looga hortagayo afduubka ka bilowday Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada Soomaalida ayaa ka hadlay falalka afduubka ah ee muddooyinkii dambe kusoo badanayey dalka Kenya, kaasi oo lagu kacay dad dhowr ah oo u badan Haween Soomaali ah.

Sheekh Umal ayaa ugu horeyntii ka digay buun-buuninta falalka noocaas ah, midaasi oo uu sheegay inay ka dhalan karto cabsi iyo wel-wel ka badan isla dhacdadaas.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay raacan 5 qoddob oo tallooyin ah si looga hortago Afduubka kusoo cusboonaday magaalooyin kamid ah dalka Kenya, kuwaasi oo kala ah;

  • In qof kasta uu afka ku hayo xuska Alle iyo ducada oo uusan ka bixin, lagana tegin xirsi-xirka – isagoona soo jeediyay in la baro dumarka iyo carruurta ducooyinka iyo adkaarta.
  • In lala dagaallamo shabakadaha afduubka geysta, islamarkaana laga wacyi-geliyo dhibaatadiisa dadweynaha.
  • In qof kasta uu ka feejignaado oo uu iska ilaaliyo goobaha halista ah iyo in qofka inuusan socon xilliyada qaar.
  • In aanan marnaba la bixinin madax-furasho, taasi oo horseedi karta haddii la fuliyo inay sarre u kacaan falalka afduubka ah.
  • In marnaba aan gabaad la siin dadka afduubka geysta.

Falalka afduubka ayaa kusoo badanayey dalka Kenya, gaar ahaan caasimada, ayada oo booliska ay saddex cisho ka hor soo bad-baadiyeen gabadh kamid aheyd dad lagu afduubtay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Waxaa cabsi weyn soo food-saartay Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan haweenka, tan iyo markii ay soo baxeen dhacdooyinka naxdinta leh ee afduubka ah.