Raggii dilay suxufi Jamal Khashoggi oo la ogaaday in lagu soo tababaray dal kale

Washington (Caasimada Online) – Afar kamid ah Sacuudiyaankii ka qeyb qaatay dilkii sanadkii 2018 Dalka Turkiga loogu geystay wariyihii Washington Post ee Jamal Khashoggi ayaa la sheegay inay tababar qaas ah ku qaaten Mareykanka hal sano ka hor xiliga ay shirqoolka sameenayeen.

Qandaraaska Tababarka ay Mareykanka ku qaateen xubnahaan ka qeyb galay shirqoolkii ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul ee lagu dilay Khashoggi ayaa waxaa ansixisay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, sida Talaadadii shalay aheyd lagu daabacay New York Times.

Tababarka ayaa waxaa bixisay Tier 1 Group oo ay leedahay shirkadda sida gaarka ah loo leeyahay ee Cerberus Capital Management, waxaana ujeedka tababarka uu ahaa inay kamid noqdaan ilaalada gaarka ah ee madaxda Dowladda Sacuudiga, sida lagu daabacay New York Times.

Shirkadda Cerberus Capital Management ayaan wax jawaab ah bixin kadib markii Wakaaladda Wararka ee Reuters u gudbisay codsi ah inay ka jawaabaan kiiska ku saabsan xubnahaan ka qeybgalay tababarka ay shirkaddaan qadaraaska kusoo qaadatay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price oo ka jawaabayey warbixinta ay qortay New York Times ayaa sheegay in sharciga u yaalla Wasaaradda uusan u ogoleyn inuu ka jawaabo wax kasta oo ay qorto Warbaahinta.

Price ayaa sidoo kale sheegay in siyaasada Mareykanka ee ku wajahan Sacuudi Carabiya “ay mudnaanta siin doonto sareynta sharciga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.”

Khashoggi oo heystay deganaanshaha Mareykanka ayaa Washington Post ku qori jiray faalooyin lagu dhaleeceeyey dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman. Waxaa dilay oo jarjaray koox howl wadeeno ah oo xiriir la leh Amiirka, wuxuuna dilkaas ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul Bishii October ee sanadkii 2018.

Madaxa shirkadda Cerberus Louis Bremer ayaa xaqiijiyay doorka shirkaddiisu ku leedahay tababarka afar xubnood oo tirsan kooxda dilka Khashoggi sanadkii hore jawaabo uu ka bixiyay su’aalaha xubnaha Congreeska, taas oo qeyb ka aheyd magacaabistiis xilka sare ee wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon ee maamulkii madaxweyne Donald Trump, sida laga soo xigtay New York Times.

Sharci-dejiyeyaasha Mareykanka weligood ma helin jawaabahan maxaa yeelay maamulkii Trump uma muuqan inuu Congresska u diro kahor inta aanu ka noqon magacaabista Bremer, sida laga soo xigtay New York Times oo intaas ku dartay in Bremer uu qoraal ahaan u gudbiyay.

Bremer wuxuu sheegay in Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka iyo wakaaladaha kale ee dowladda ay mas’uul ka yihiin kala shaandheynta ciidamada shisheeye ee lagu tababaray iida Mareykanka, sidaana waxaa qortay New York Times.