Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xerada XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar madaafiic ah ayaa maanta duhurnimadii lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada. 

Goobjoogayaal ku sugan Xalane ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in hoobiyayaashu ay gaysteen khasaare hantiyeed. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya khasaare isku jira guryo iyo baabuur oo ay sababeen madaafiicda so dhacday.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ilaalada madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna la filayo inuu saacadaha soo socdo soo gaari doono magaalada, si uu uga qeyb galo shirkaas.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Inshga Allah.