Axmed Madoobe iyo wafdi soo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey madax ka tirsan Dowladda iyo xuno ka mid ah midowga musharixiinta.

Wafdigaan uu hogaaminayo madaxweynaha Jubbaland waxaa kasoo horeeyay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, wuxuuna qeyb ka dagi doonaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sida la sheegay.

Inkastoo imaatinka madaxweynaha saacado ka hor la duqeeyay xerada Xalane, hadana sidii la filayay wuu yimiad Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu qeyb ka noqdo saxiixayaasha heshiiska doorashada.

Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la sugayaa in halkaas lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo horay loogu socdo si loo qabto doorasho la wada oglyahay, waxaana lagu jaangoyn doonaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September 2020 iyo is fahamkii guddiyada ay ku gaareen Baydhaba bartamahii bishii February 2021.