Weerarkii diblomaasiyada ee madaxweyne Farmaajo

Socdaalkii madaxweyne Farmaajo ma weerar diblomaasiyadeed buu ahaa mise is-dhiibid? Inta aanan jawaabta u gelin, ugu horreyn dal Soomaaliya oo kale ah xarbi noocee ah ayuu geli karaa maanta, tabarteennu se maxay noo gooysaa?

Marka hore waxaa xusid mudan in dagaalka Kenya iyo Soomaaliya uu hadda marayo marxalad dagaal-diblomaasiyadeed oo lagu tartamayo sidii garab siyaasadeed looga heli lahaa Caalamka. Markay halkaas joogto,

1. Sawir noocee ah ayuu caalamka ka haystaa Soomaaliya?
2. Sawir noocee ah ayaa sidoo kale laga haystaa xiriirka Kenya iyo Soomaaliya?
3. Kenya dagaal noocee ah ayey Soomaaliya kula jirtaa?

Suaasha 1-aad ee ah sawir noocee ah ayuu Caalamka naga haystaa, jawaabteedu waa maahmaahdii ahayd “wixii xunba Xaawaa leh” Dal 30 dagaal ka socdey oo dadkiisii dagaallo, abaaro iyo tahriib dhameeyey, dal argagaxisadu hoy u ah, dal musuqmaasuqu hareeyey, dal aan caalamka la jaanqaadi karin oo ku fashilmay wada noolaanshaha iyo dowladnimada iwn

Suaasha 2-aad, Sawir noocee ah ayaa laga aaminsanyahay xiriirka Kenya iyo Soomaaliya? Caalamku wuxuu aaminsanyahay Kenyana ku faaneysaa inay Soomaaliya caawinayeen 30 sano, inay martigaliyeen shiraweynihii dib loogu soo dhisay diwladnimada Soomaaliya, inay martigalinayeen 30 sano qaxooti boqolaal kun ah, inay ciidamo nabad ilaaalin ah u direen Soomaaliya, inay mar kasta u dulqaataan weerarada argagixisada ah ee kaga yimaado Somaliya. Kenya waxay dunida ka dhaadhicineysaa dalkii sidaas ahaa ayaa maanta badeydii igu haysta oo hadana diidan inaan arrimaheenna hoos u dhammeysanno!

Hadaba muxuu yahay dagaalka ugu haboon oo ay Soomaaliya geli karto? Waxaa loo baahanyahay in marka hore dunida la tusaa waji cusub oo ah nabadoonimo. Waa in la matalaa siyaasadda loo yaqaano (Public diplomacy) taasoo ah in Caalamka arko Soomaaliya inay leedahay maanta biseyl iyo iyo deganaab. Ugu danbeys markey cadaato
1 inaad tahay nabadoon dulqaad badan, kana soo daaley dagaal iyo isqab-qabsi.
2. Inay Soomaaliya u qirsantahay Kenya abaalkey noo gashey.
3. Inay Soomaaliya Dowladaha dariska aad u ixtiraameyso sida Ethiopia iyo Kenya.
4. In Soomaaliya iyadoo badeedii lagu haysto hadana ay dagaal ku deg degeynin.
5. Inay Soomaaliya ku kalsoontahay ixtiraameysana Caalamka, muranka baddana uga danbeyneyso Maxkamada aduunka. Caalamka markaas ayuu dareemi karaa sympathy, Kenyana ku sifoobeysaa kiis iska waal iyo bililiqo waxay wado.

Ugu danbeys: Madaxweyne Farmaajo isma dhiibin, balse wuxuu galay dagaal adag, waayo wuxuu dunida tusay Soomaaliya inay bisishahay oo aysan cidna khatar ku ahayn. Sidaa awgeed mucaaradku yaysan horboodin dowladooda oo aysan shacabka jebin col hortiis.

W/Q: Cabdiweli Qaasim
abdiwali@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid