Aqoonyahan Kenyan ah oo shaaciyey in rajada Kenya ee kiiska maxkamadda caalamiga ay aad u liidato

Nairobi (Caasimada Online) – Aqoonyahan Kenyan ah ayaa shaaca ka qaaday in rajada Kenya ay ka qabto inay ku guuleysato kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay aad u liidato, taasina ay tahay sababta ay xal kale u raadineyso.

Kenya ayaa isku dayeysa in Soomaaliya ay ka dhaadhicso inay ka laabto kiiska maxkamadda, islamarkaana wada-hadal diblomaasiyeed lagu dhameeyo muranka.

Dr Hassan Khannenje, oo ah agaasimaha machadka Istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Horn ayaa sheegay in guul-darradii Kenya ka gaartay diidmadii horu-dhaca ahayd ee kiiska ay walaac ku hayso.

Waxa uu sheegay in Kenya ay aamisan tahay in sii wadista dacwada ay tahay halis xooggan oo ay ku weyn karto dhul-badeedka ay sheeganeyso, sidaas darteedna xal ka baxsan maxkamadda uu yahay waxa ay raadineyso.

“Hanaanka maxkamadeed waa mid dhib badan oo waqti iyo qarash badan u baahan, islamarkaana go’aanka ay maxkamadda ku diiday codsigii Kenya ee ahaa inaysan qaadin dacwadda ayaa loo arki karaa astaan muujineysa waxa soo socda” ayuu yiri Dr Khannenje.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inay door bideyso in laga war sugo go’aanka maxkamadda, islamarkaana aysan marnaba wada-hadal ka geli doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com