Video: Yariisow oo amar deg deg ah ka soo saaray dhulkii ciidamada badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa amar deg deg ah kasoo saaray dhulkii ciidamadii Badda Soomaaliya iyo gurigii taliyaha ciidamada Badda ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa aqriyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, oo lagu amrayo dhamaan dadka degen dhismaha xaruntii ciidamada Badda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inuu ku amrayo dhamaan dadka degen inay sida ugu dhaqsiyaha badan kaga baxaan dhismahaasi, isaga oo sheegay in loo badalay dhul Diblumaasiyadeed, maadaama uu ahaa dhul dan guud ah.

Ma cadeyn waxa uu kaga jeeday Dhul Diblumaasiyadeed, balse wuxuu amray in dhamaan dadka degen ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, isaga oo sheegay in arintaan qeyb ka tahay in safaaradaha loo asteeyo meelo qurxoon.

Sidoo kale wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka inay dabaqyo dhaadheer ka dhisteen xaruntii ciidamada Badda, isaga oo sheegay inaan la aqbali doonin.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dhulkaasi ay la wareegeyso dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com